Quantcast
Channel: Xayeysiin – puntlandi.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 48

Samakab Hussein u Dooro Golaha Degaanka ee St. Paul, Minnesota.

$
0
0

clipimg09
Waa markii ugu horeysay ee qof ka mid ah jaaliyadda Bariga Afrika ee magaalada St. Paul uu ku dhiirado inuu isu soo sharaxo Golaha Deegaanka ee caasimadda gobolka Minnesota ee St. Paul. Waa arrin soo daahday oo mar hore ay ahayd in laga hawl galo, hase yeeshee waqti innagama tagin. Jaaliyaddu in muddo ahba magaalada way ku nooleyd, tiradeeduna way sii badanaysay, sidoo kale baahideeduna way sii badanaysay.

Ma jirin qof jaaliyadda ka mid ah oo baahidaas wax ka qaban jiray, haddii ay noqoto xagga guryaha, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada.

2015-01-31 22.58.41Waxaa jira rag iyo dumar niyad wanaagsan oo aan jaaliyadda u dhalan oo aan soomaali aheyn oo xafiisyada dawladda innoo fadhiya. Xilli kasta oo doorasho timaadane way innoo yimaaddaan oo codkeenna ayey inna weydiistaan. Waxa hubaal ah oo eynu aragnaa in waxa ay ballan qaadaan iyo waxa ay fulliyaan ayna is le’ekeyn. Waxa hubaal ah in niyad wanaagga siyaasiga u kaca bulshada uusan  kaligiis waxbadan qaban kareyn  hadii eydan siin codkiina. Waxa lasoo gaaray xillligii uu xubin bulshadeena ka mid ahi ay xafiisyadaasi inoo matali lahaayeen. Qof fahmaya baahida rasmiga ah ee bulshadeenna.

Waxa haddaba sanadkan bulshada Bariga Afrika nasiib weyn u ah inay heshay nin dhalinyaro ah oo  iyaga ka mid ah, fahmaya dhaqankii Bariga Afrika iyo kan Maraykanka labadaba. Waxbarasho hoose ilaa Jaamacdna ku dhigtay gobolkeena Minnesota.

Bartay cilmiga maaliyadda iyo xisaabaadka, Ka shaqeeyey Bangiyo waaweyn, aqoona u leh xisaabaadka. Fahmaya sida nidaamka Maraykanku u shaqeeyo.

Samakaab Xuseen waxa uu la soo shaqeeyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Waa aasisihii ahna madaxa ururka Somali Teen Enrichment Program ( STEP ) oo ah urur maxali ah oo ay ku aflaxeen dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota gaar ahaan magaalada St. Paul. Waxaana hubnaa haddii aan helno in arrimaha bulshadeenu ay dhinaca wanaagsan isu beddelayaan.

Samakab Hussein ayaa doorashadan diyaar ah. In muddo ahba wuu arkayey baahida bulshadeena. Wuxu kaloo arkayey wax yaabaha ey bulshadeenu u baahan tahay in wax  laga beddelo magaalada St. Paul.

Sanado badan oo waxbarasho iyo khibrad shaqo ka dib, waxa uu dareemay in hadda uu si buuxda diyaar ugu yahay in xuquuqdeena uu u dagaalamo.

Samakaab  Hussein wuxuu idinka codsanayaa taageeradiina ku aadan barnaamijka tartanka doorashada ee xisbiga Dimuquraadiga taariikhdu marka ay tahay…

(Feboury 03, 2015, goobtana aay tahay Capitol Hill Magnet/Rondo Education Center: 560 Concordia Ave Saint Paul, Minnesota 55103 

barnaamijku wuxuu bilaaban doonaa saacadu markey tahay xiliga Minnesota 6:00 fiidnimo).

Kaalay oo la kulan, si aad u aragtid ugulana hadashid waxa uu bulshada u hayo. Waxaa kaloo la soo gaaray xiligii qof walboo inaga  mid ahi uu u sameyn lahaa isbadal dhab ah oo laga sameeyo  ST Paul, Minnesota. Waxaana u istaagey siyaasiga, hadane dada yar , waa Samakab Hussein oo diyaar u ah in uu kadhabeeyo balanqaadkiisa hadii uu ku guuleysto. Ku garab gal dadaalkiisa.

Waxaa hubaal ah in isaga iyo innaga oo si wada jir ah gacmaha iskuqabsano eynu keeni karno  isbeddel muuqda oo dhab ah. Balanteenu waa taariikhdu marka ay tahay

Feboury 03, 2015, goobtana aay tahay Capitol Hill Magnet/Rondo Education Center: 560 Concordia Ave Saint Paul, Minnesota 55103 saacadu ey tahay xiliga Minnesota 6:00 fiidnimo.

Waad mahadsantihiin

Guul Guul Guul


Viewing all articles
Browse latest Browse all 48

Trending Articles